Khadar Ismaaciil Cilmi, Hormoodnews.com
Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 1/27/07 ka dhacay gobalka Ohaayo gaar ahaan caasimada gobolka ee Columbus shir aad u balaadhan oo lagu soo bandhigaayey buug cusub oo uu qoray Mustafa Xariir oo ka hadlaaya Caafimaadka Aasaasiga ah, sida Dhiig-karka, Macaanka, Qaaxada, Dabaysha, Gawracatada, Qaamo-qashiir, Hargabka, Xiiq-dheerta, Teetanada, Jadeecada, Jadeeco-jarmal, Hablo-baas, Durayga, Cagaarshaw, Eeydhiska, Jabtida, Sigaarka, Qaadka, E-ery-bixinta caafimaadka iyo Daawooyinka.
Ugu horayn waxa madasha shirka daadihinayay Mudane Saxardiid Shaacir oo furitaanka xaflada furay, una hagayay madasha shirka si habsami leh, waxaanu mudane Saxardiid kusoo dhaweeyay inuu shirka aayado quraanka kariimka ah ku furo Sheekh Cali Qaalib.
Intaas kadib waxaa madasha shirka lagu soo dhaweeyey Jamac Faarax oo ka mid ah Odayaasha reer Somaliland ee degan magaalada Columbus, Oday Jaamac oo ku hadlayay magaca Magaalada Columbus ayaa halkaas ka jeediyey erayo iskugu jira dhiirigalin iyo mahadnaq, xusayna muhiimada uu buuggani umada u leeyahay. Isagoo kuna dhiirigaliyay in cidii wax qori kartaaba ay wax qorto sibuu yidhi aynu uga maarano dawarsiga buugaagta ee haysata iskuulaadkeena iyo jaamacadaheena , waxaanu qiray Oday Jaamac haddii nin waliba uu qoro wixii uu aqoon uleeyahay inay taasi door weyn ka ciyaari doonto kobcinta aqooneed ee ubadka soo koraya, mustabalka dhawna aan looba baahanayn buugaag dibada laga soo dawarsado. Sidoo kale odaygu wuxuu Qoraha buuga ku tilmaamay nin xilkasnimo weyn iska saaray sidii uu cilmigiisa ugu faa’ideyn lahaa dadkiisa.
Dhanka kale waxa isla madasha ka hadlay guddoomiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee gobolka Ohio mudane Xassan Maxamad oo runtii si qurux badan hoga tusaalayn uga bixiyay faa’iidooyinka buugani uleeyahay bulshada Soomaaliyeed iyo cidii kale ee ku hadasha afka Soomaaliga, sidoo kale waxaanu yidhi buugani wuxuu gacan weyn siinayaa dhakhaatiirta wax ku bartay dalkan maraykanka iyo dalalka qurbaha ee afsoomaaligu ku yar yahay anba aan isku fasiri karin afsomaliga iyo luuqada ingiriisiga ah.
Intaas ka dib waxa lagu soo dhaweeyay microphoneka qoraaga buugga Mudane Mustafe Xariir oo runtii si qurux badan oo farshannimo ku dheehan tahay uqaadaa dhigay sababaha iyo ujeedooyinka ku kalifay inuu buugan soo saaro, isagoo xusayna inuu faa’idooyinka buugani uleeyahay bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu qalcad-qalcad ukala dhigay qaybaha buuggu ka koobnaa. Isagoo si xeel dheerna uga warbixiyay muhiimada buugani uyeelan karo anba uyeelan doono bulshada, kana caawin doono dhinaca caafimaadka, isagoo buuga qofkii akhristaaba uu ka helayo xanuunka hayo oo si cilmiyaysan ufasiran iyo dawooyinkiisa.
Ugu danbeyntii waxa halkaas ka hadlay dhalinyarta wax ka barata jaamacadaha iyo iskuulaadka gobolka Ohio oo aad ugu mahadnaqay Mustafe Xariir, xusayna inay aad ugu baahnaayeen buuggan oo kale si uu uga caawiyo dhinaca afka iyo dhinaca ingiriisidaba, maadaama buugga ay ku qoran yihiin 1000 kalmadood oo caafimaadka loo isticmaalo oo af-giriisiya oo afsoomaali ku turjuman.
Xafladan oo ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee lagu soo bandhigo Magaalada Columbus ayaa ahayd mid dadku aad uxiisaynayeen, kuna dhammaatay si sharaf iyo wanaag mudan. Buugtiina halkii ayaa lagu iibsaday oo dadku saf dheer ugaleen sidii qof waliba uqaadan lahaa Copy ka mid ah buugga.


