BUUG QIIMO LEH
Buug qoriddu dadka Soomaalida ah aad ayay ugu adag tahay, laba arrimood dartood, waa ta koowaade, haddii uu qoruhu dedaalo, wakhti iyo maal ba geliyo si uu buug u soo saaro; waxa uu nasiib darraysanayaa marka buuggii cidi iibsan weydo. Mar labaadka uu guuldarraysanayaana waa marka farriintiisii cidi akhriyi weydo, oo dedaalkiisii laga dhigo “hal bacaad lagu lisay”. Waataa sababta koowaad ee qoraa badan oo Soomaali ahi ay u doorbideen inay af-shisheeye ku gudbiyaan farriintooda. Inyar oo faro ku tirisa ayaa cilmiga maankooda ku kaydsan uga faa’iideeya dadkooda, kuna qorta afkooda hooyo. Kuwaas ayuu Mustafe Xariir oo saaxiibkay ahi ka mid noqonayaa.
Mushkilladda koowaad ee hortaalla saaxiibkay iyo qoraa kasta oo Soomaaliyeed waxay tahay, af Soomaaliga oo aan weli qaangaadhin, una bislaan in lagu soo gudbiyo cilmi talaxtegey oo caafimaad ku saabsan, waa hawl culus oo ahmiyaddeeda leh. Taasna waxaan ku tilmaami karaa in saaxiibkay buuggan xaqiisii mariyey, cilmi aan yarrayna uu ku soo gudbiyey. Akhristaha waxaan u sheegayaa marka ay buuggan akhriyaan inay saadaal ka bixin karaan xanuuno badan; garashona ay u yeelan karaan asbaabaha lagu garto cuduro badan oo buuggan ku qoran.
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)
Halabuur iyo qoraa Soomaaliyeed
_________________________________________________________
HANTI MAGUURTA AH
Buuggan FAYA-DHAWR baahi badan oo loo qabay buug caafimaad wax wuu katarayaa, hadday noqoto xagga ardayda doonaysa in ay caafimaadka bartaan iyo dadka kale ee doonaya in ay aqoontooda sare u qaadaan. Waxaa kale oo uu noqonayaa hanti maguurta ah oo markii loo baahdo dib loo tixraaci doono. Si haddii la eego anagu haddaanu nahay dhakhaatiirta Soomaaliyeed kalmo weyn ayuu noo yahay, halka ay wakhti badan nagu qaadan jirtay in aanu cudurka qofka haya u sharaxno, taas ayuu buuggani noo sahlayaa oo aanu ku dhiirri gelinaynaa in guri kasta la dhigo.
Mustafe Xariirna buuggan waan ku ammaanayaa, waxaanan u rajaynayaa sida uu cilmigiisa dadka ugu faa’iidaynayo isaga oo arday ah, in dhakhtarnimadiisana in badan oo Soomaaliyeed u aayi doonto mustaqbalka dhaw.
Dr. Maxamed Cali, Family Physician.